Wararka laga helayo dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in ay maleeyshiyaadka Oromada shalay weerar ka fuliyeen tuulada Golmaayo oo hoostago Degmada Tuliguuleed.

Siida aan xogta ku helnay, ilo degaanka ayaa Halgan Media u sheegay in ay Oromada kasoo gudbeen xadka, kadibna kuso duleen tuulada Golmaayo Iyo bilabeen in ay shacabka gumadaan.

Bulshada ku dhaqaan tuulada Golmaayo oo u badan dad beeralay ayaa islamarkii naftooda la caraaren, waxaana goobta weerarka ka dhacay lagu dilay hal qof oo shacab ah, waxaana magaciis naloo sheegay Axmed Muxumed Tukaale.

Tuulada Golmaayo oo hoostago Degmada Tuliguuleed, waxa mar walba ku qaado Maleeyshiyaadka Oromada oo kasoo gudba xadka, gar ahaan dhanka Jinacsani, mana jirto ciid ka hadasho shacabka Soomaaliyeed oo marwalba la Gumaado.

Halgan Media.