Qarax ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xaruunta gobolka Jubbada Hoose.

Duhurnimadii Maanta xili laga soo baxay salaadii jimcaha ayaa qarax Ismiidaamiin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo.

Jugta qaraxaas ayaa laga maqlay inta badan xaafaddo magalaada Kismaayo, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo u laheyd Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Maamulkaas.

Guddoomiye Shaafi Raabi ayaa marka hore waxaa qaraxaas kasoo gaaray dhaawac Culus, iyadoo loola cararay Isbitaalka Kismaayo, hayeeshee markii la geeyay halkaas ayuu geeriyooday, waxaana sidoo kale Isbitaalka la dhigay dad shacab ah oo waxyeelo gaartay.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, isla markaana waxaa ku dhaawacmay dad ku dhow 8 qof, waxaana dadkaas ay u bahan yihiin kuwo kasoo baxay Masaajid oo ay kusoo tukadeen salaadii khudbada ee Jimcaha Maanta.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.