Wararka naga soo gaaraya magalaada Godey ee Xaruunta gobolka Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ay ku waxyeeloobeen caruur aad u da’yar.

Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd oo ay gar garaaceen caruur islamarkaasina ku qaraxday.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4 caruur ah xili ay gar gaaraaceen Miinadaasi oo kamid aheyd haraadiga waxyaabo qarxa oo ka haray dagaaladii soo maray Gobolkaasi.

Qaar kamid ah gobolada ka tirsan Somali Galbeed ayaa waxaa ku soo laa laabtay falalka ceenkaan oo kale ah oo ay caruur ay ku waxyeeloobaan miinooyinka haraadiga ahaa ee dagaalada degaanka ka dhacay ka haray.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.