Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay Caalamka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay Maanta ku shaacisey in Qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa,kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay Cudurka Coronavirus.

Waxaa ay sheegtay in qofkaas uusan jirikiisa ka muuqan wax Calaamado ah,hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadaayo.

In kastoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya si rasmi ah u shaacin halka uu ka yimid muwaadinka Soomaaliyeed,hayeeshee Wararka helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi uu kamid ahaa dhalinyaradii Saraakiisha ciidanka ahaa ee tababarka u aaday Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.

16-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka mid ahaa Afar qof oo yimid wadanka Shiinaha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.