Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka Gobolka Gambella iyo Gobolka Oromada.

Ciidamadani oo ah kuwa badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan Gobolka Gambella iyo Oromada. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.