Roobab wanaagsan ayaa laga soo sheegayaa qaybo kamid ah gobolada Ogadeniya.

Gobolada helay roobka Gu’ga waxaa kamid ah Erer, Nogob, Qorahay iyo Doolo, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog wareedka Halgan Media.

Roobkan ayaa yimid xilli ay abaar daran ka jirtay deegaanada Ogadeniya kadib markii uu daahay roobka Gu’ga oo curan jiray bisha April.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.