Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobaya ee ku sugan Gobolka Gedo ay la wareegeen Amaanka Degamadaasi.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Xasabsiga dhigay Taliyihii Amniga Garoonka Diyaaradaha Degmada Luuq kaas oo lagu Magacaabo Siyaad Cumar.

Ciidanka Amaanka Garoonka Gacanta ku haayay ayaa la sheegay in ay hoostagayeen Wasiirka Amniga Jubbaland oo haatan ku xiran Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya ayaa la wareegay Amaanka Garoonka waxa ayna ka saareen Garoonka degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ciidamo ku sugnaa Garoonka oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.