Taliyaha ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya Jeneral Odowaa Yusuf Raage ayaa maanta Isniin ah ka badbaaday Qarax oo lala eegtay Kolonyo uu la socday oo marayay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qofka ismiidaamiyay ayaa Gaari miinaysan ku qarxiyay Kolonyada uu la socday Jeneral Odowaa inkastoo Taliyuhu ka badbaaday Qaraxaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu khasaare gaarsiiyay ilaalada Taliyaha islamarkaana uu burburiyay mid kamid ah Gaadiidkii Kolonyada ahaa ee gelbinayay Jeneral Odowaa balse Khasaare kala lama soo werin.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ismiidaaminta ah waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Jeneral Odowaa Yusuf Raage.

Halgan Media.