Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa Covid Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 63 xaaladood oo COVID-19 ah.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, mamuulka Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.