Xeer ilaaliyahii guud ee ismamuulka Amxaarada, Migbara Kebede, ayaa maanta u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarkii iskuday Afgambigi fashilmay ka dhacay magaalada Bahir Dar, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Xeer ilaaliyahan ayaa ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada, iyadoo dawlada Fadaraalka Itoobiya ay dhacdadaasi ku tilmaantay isku day afgembi oo ka dhan ahaa maamulka Amxaarada.

Sikastaba ha ahaatee waa masuulkii shanaad ee ku dhinta weerarkii iskudayga Afganbi ahaa ee ay ku dhinteen madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo la taliyihiisi oo xilliggaas ku sugnaa xafiiska maamulka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaasi, iyadoo ay mant cidamada Booliiska ay ku dileen meel an ka fogayn halkii uu ka dhacay isku daygii afganbi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.