Wararka ka imaanaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in Taliyihii Guud ciidamada Itoobiya Seare Mekonnen ayaa la toogtay, ka dib Isku dayo Afgambi oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Wali ma cada  sida waxa u dhaceeyn laakiin caawa magaalada Addis Ababa iyo guud haan dalka Itoobiya waxaa  ka jira cabsi. Ilaa hadda Saraakiil badan ayaa la sheegayaa waxyeelo soo gaartay, sidaas oo kale jidadka waa weyn ayaa ciidamada lasoo dhoobay baddi caasumadda Addis ababa iyo xarumaha maamul gobaleedyada.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalka Itoobiya uu go’an yahay. Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan Afgambiga fashilmay ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.