Xaalada oo wali cakiran iyo 4 qof oo lagu dilay Magaalada Dodola Ambo oo dhaawacyo badan isbitaalka ladhigay.

Magaalada Dodola ee hobolka Arsi ayaa laga soo sheegayaa dhimashada 4 qof oo lasheegay inay udhinteen dhaawacyo kasoo gaadhay weerar ay koox dhalinyaro ah oo budad ku hubaysan ku qaadeen.

Dukaano, meherado, iyo huteelo ayaa dabka lasaaray, waxaana jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Dhankakale xaalada magaalada Ambo ayaa wali cakiran waxaana jira warar sheegaya in haayadaha amaanku xabad kufureen dhalinyaro mudaharaadaysay taasoo sababtay dhaawaca inta lahubo 5 qof oo rayid ah.

Ciidanka milatariga itoobiya ayaa ka hawlgalaya intabadan gudaha deegaanka oromada waxaana wali jirta xaalad daganaansho la’aan ah.

Odayaasha Oromada ayaa galabta baaq kasoo saaray gudaha guriga jawar Mohammed ee magaalada Addis Ababa, waxayna ku baaqeen in xaalada ladajiyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.