Wararka nagasoo gadhaay galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Canfaarta weerar ku qadeen qabalaha Madane oo udhow degmada Garbo Ciise.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Canfaarta kuso duleen qabalaha Madane kadina gudaha u galeen, islamarkii rasaas ku fureen ciid walba, waxaana weerarka ku dhawaacmay sedax qof oo shacab ah.

Weerarka ka dhib waxaa la sheegay inay canfaarta ka baxeen qabalaha Madane, iyaga oo usocday dhanka xaduudka Canfaarta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.