Xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegayo in xaruunta Xalane oo looga taliyo Soomaaliya ay ku nool yihiin Shisheeyaha ayaa looga Yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Taliyaha Nabad Sugida, Fahad Yasin.

Wali lama sheegin Ajanadaha kulanka waxaase loo badin in Lagu Heysto sida Xilka looga Qaaday Ra’iisal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Cida masuulka ka aheyd.

Xog aan ka helnay kulanka ayaa sheegaya in Farmaajo lagu Cadaadinaayo in uu Ra’iisal wasaare uu magacaabo shaqsi kasoo beesha Abgaal ama Habar Gidir, siida loo qanciyo mucaaradka.

Beesha Caalamka ayaa dhamaan xanibaad ku soo rogtay Dowlada Farmaajo, Waxaan xaniban qarashaadkii Dowada iyo Mushaarkii iyadoona wali la bixin Mushaarkii kala gadisnaa ee Ciidamada Qaranka iyo Shaqalaha Dowlada.

Halgan Media.