Ugu yaraan 12 qof ayaa Ku dhimatay Weerar jimcihii ka dhacay xaruun dowladeed oo ku taal gobolka Virginia ee dalkaasi Mareykaanka. Weerarkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay ila 4 qof oo kale.
Weerarkan ayay booliisku sheegeen inuu gaystay nin shaqaale ka ahaa Wakaalada korontada ee Verginia Beach City, kaasi oo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadka ku sugnaa xarunta dowladda Hoose ee Virginia Beach
Ninka toogashada gaystay oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku geeriyooday rasaas ay iswaydaarsadeen ciidamada Booliiska. Taliyaha booliiska Virginia James Cervera ayaa ku tilmaamay dilaaga inuu ahaa nin caraysan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.