Wararka nagasoo gadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in ciidanka mamuulka Oromiya ayaa weerar kuso qadeen degmada Qubi oo katirsan gobolka Nogob, halkaas ay ku dileen labo qof oo Somali halka ay sedax kale dhawaa gaadhsiyeen.

Warar lagu kaslon yahay ayaa sheegaya in shacbka Somalida la laayey ay ahaayeen xoolo dhaqato. Inta la hubo labo qof ayaa dhimatay kadib markii ay ciidamada Oromiya sii naxaris la’an ah u laayeen shacabka Somalida oo waxba galabsaniin. Wararka ayaa waxaay intaa kudarayan in sedax ruux oo kale uu dhawac gaaray weerarka ay soo qaadeen ciidamada Oromadu.

Dadka la dilay waxaa kamid ah

  • Maxamed Cabdullahi
  • Xassan Cali

Dadka Dhawaac gaaray waxaa kamid ah

  • Xassan Maxamud
  • Maxamed Cabdi Ahmed
  • Cabdullahi Ahmed

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.