Waxaa si kama dambays ah loo xaqiijiyey in la xirayo xabsiga loo yaqaannay Jeel Ogaadeen oo kutaalo magalaada Jigjiga.

Waxaa si rasmi ah maanta loogu dhawaaqay in xabsigaas laga dhigi doono matxaf ama meel alaabaha hiddaha iyo dhaqanka lagu kaydiyo.

Bashir Axmed Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta ee mamuulka Jigjiga oo arrinta xiritaanka xabsigaas BBC-da uga warramay ayaa sheegay in tallabadaas ay soo dhawaynayaan ” aad ayaan usoo dhawaynayaa waana maalin farxadeed sababtoo ah muddo dheer ayaa jeelkan ummadda lagusoo dhibaataynayey, dad badan baa gaajo ugu dhamaaday, dad badan baa ku lixaad beelay, dad badan baa xanuuno intay ka qaadeen u dhintay”.

Xabsiga Jeel Ogaden ee haatan la sheegay in la xidhay ayaa waxaa wali ku xidhan maxaabiis gaaraysa 285 qof, waxaana masuuliyiinta mamuulka Jigjiga ay sheegeen in aanay jirin cid u xidhan arrimo siyaasadeed.

Jeel Ogaadeen oo xidhitaankiisa ay go’aamiyeen golaha wasiirrada ee mamuulka Jigjiga ayaa waxaa maanta soo buux dhaafiyey dadweyne ku faraxsan tallaabadan, qaar kamid ah dadkaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ayaga qudhooda lagu xiray xabsigaas, halka kuwo kale ay sheegeen in xigtadoodu ay ku xidhnaan jireen, dadkaas waxaa kamid ahaa Ismaaciil Buugaabo oo muddo dheer ku xidhnaa Jeelkaas wuxuuna sheegay in dhibaatooyin kala duwan loogu gaystay xabsiga asagoo sheegay in aanu hal habeen nabadgalyo ku seexan mudadii uu xirnaa isla markaasna lagu riday god dheerarkiisa uu ku sheegay lix mitir oo lagu shubo qashinka musqulaha iyo bullaacadaha uuna ku jiray afar iyo toban cisho kuna indho beelay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.