Mustafa Cagjar ayaa wuxu dawlada gumeysiga ka codsaday inay maamulkiisa ka qayb geliso shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF  .

Mustaf Cagjir  ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in arintani maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed, taas oo ka dhaxleen maamulkii hore ee uu hogaaminayay dhigya cabka oo haatan ku xiran xabsi .

Mustafe cagjar madaxwaynaha maamulka Somali state ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo wayn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshaan golaha wasiirada ee ka soo jeeda qowmiyada soomaalida ah ee degan dhulka Somalida ay itoobiya gumeysato.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.