Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay in 22.4 Milyan oo ruux oo ku nool dalal ku yaalla bariga Qaaradda Afrika ay u baahan yihiin gargaar Bani’aadinimo.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska UNOCHA ayaa lagu sheegay in dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia,Sudan iyo Sudanta Koonfureed ay meelaha ugu daran ee ay cuno yarida ka taagan tahay.

QM ayaa xustay in dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen colaado, rabshado iyo abaaro ka jira dalalkaasi, gaar ahaan Somalia, Sudan iyo Sudanta Koonfureed.

Hay’adda isku xirka gargaarka QM ayaa tilmaamtay in 1.6 Milyan oo Soomaali ah ay xilligan u baahan yihiin gargaar deg deg ah, kuwaasoo ay saameyn ku yeelatay abaaro ku dhuftay dalka sanadihii la soo dhaafay.

Ugu dambeyn QM ayaa hoosta ka xariiqday in ay korortay tirada dadka ku barakacay rabshado ka dhacay Ethiopia, Somalia iyo Sudanta Koonfureed.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.