Xigasho : Daahir Maxamed Cali (Daahir Baasto) Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee JWXO Dahir Mahamed Ali

Taariikhda halgan ee Ogaadeenya (Qaybtii 2aad)

OGAADEENYA QAYBINTII AFRIKA KADDIB

Dadka soomaalida ah ee ku dhaqan ogaadeeniya oo ka mid ah ummadaha uu sida gaarka ah ugu xadgudbay sharciga kala qoqobka dadyowga isku isirka ahaa ayna gumaysato Itoobiya waxay soo galeen walina ku jiraan halgan ay ku doonayaan xaqooda oo ah in ay iyagu aayahooda ka tashadaan, halgankaas oo ay horseed ka ahaayeen ururradii Nasrullaahi, Jabhaddii xoraynta Ogaadeeniya (JXO) iyo Xisbigii Xoraynta Ogaadeeniya (XXO) ururradaas oo dhammaantood ahaa kuwii sababay taariikh ahaan dagaalkii dhex maray dowladdii da’da yarayd ee soomaaliya iyo boqortooyadii Xayle Salaase ma ayna noqonin kuwo ku guulaystay ujeedadooda, wuxuuse jiritaankoodu raad aan go’aynin ku reebay quluubta bulshada, ururradaasina waxay jireen intii u dhaxeysay 1948 ilaa 1964.

Lagasoo billaabo sannadkii 1964kii wixii ka danbeeyay dowladda soomaaliya oo saldhig u ahayd halganka soomaalida ogaadeeniya ku dhaqan waxay si heer hoose ah ula dhaqmaysay geedi socodka halganka, taas oo ay sabab u ahaayeen culaysyada kaga imaanayay Afrika iyo caalamka kalaba, hase yeeshee isbaddalkii siyaasadeed ee ka dhacay soomaaliya 21kii Oktoobar 1969kii ayaa soo nooleeyay dareenka dadka kaddib markii dowladdii dhalatay ay mabda’ ka dhigatay qoraalladeedana ku caddaysay in ay taageerayso qaddiyadaha dadka soomaalida ah ee dulman.

Iyadoo laga duulayo dareenkaas ayaa sannadkii 1970kii waxaa xoogaystay dhaqdhaqaaq halganeed oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro mutacallimiin ah oo kala joogay gudaha ogaadeenya iyo dibaddaba, waxayna arrintaasi horseedday in xeryo tababar laga furo gudaha soomaaliya laguna xareeyo dhallinyaro badan oo horay u la’aa waddo ay u maraan meel marinta iyo qaabaynta xaqa shacabkooda.

la socda qaybaha danbe ee taariikhdan oo taxane inoo noqon doonta Insha Allaah.

W/Q : Liban Miyir