Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari kaasoo loo geystay dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in saddex ruux oo Kirishtaan Oromo ah la dilay, halka labo kale la dhaawacay magaalada Boosaaso ee Waqooyiga Soomaaliya.

Kumanaan ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa sanadihii u dambeeyay tagay magaalada Boosaaso, iyagoo badankood u sii gudbayay dalka Yemen oo Tahriib dhanka Badda ku galayay, halka qaarkood ay shaqooyin ka helayeen Boosaaso.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.