Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaali ah ku dilay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiaziiz Roorow, kaas oo ay burcadu ku dhex dishay goobtiisa Ganacsi.

Sidoo kale kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay boob xoogan kula kaceen goobta Ganacsi oo uu lahaa Marxuumkaasi.

Inta badan waxaa Koonfur Afrika ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto Ganasatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dakaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.