Wararka nagasoo gadhaya tuulada Ma’ayso ee gobolka Shiniile, galbeedka Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaad Oromo ay kusoo duleen xoolo daqaato Somaliyeed xalay.

Muwaadin kusugan degaanka ayaa Halgan Media uu sheegay markii ay maleeyshiyaadka Oromada ay kusoo duleen xoolo daqatada Soomaalida, waxaay xoolo kadhacaan shacabka Somaliyeed iyo dagaal ayaa kabilaamay degaanka. Maleeyshiyaadka Oromada waxayna dhaceen ugu yaraan 20 neef oo Lo’ ah.

Degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile waxaay kutaala xaduudka udheexeyo Ogadenia iyo gobolka Oromada, waxayna kamid tahay degaanada ay Oromada marwalba weraan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.