Doorashada xubnaha aqalka sare oo ku beegnayd maanta oo taariikhdu tahay 1/12/2020 ayaa dib u dhacday, waxaana lagu sheegay labo sababood in dib ugu dhacday:

1. Khilaafka gudiyada doorasho oo la xaqiijiyay in ay ku jiraan xubno ciidan, shaqaalo rayid ah iyo taageerayaasha madaxwayne Farmaajo ( Xoogagga Wadaniyiinta).

2. Walaaca beesha caalamka ay ka qabto in kooxaha argagaxisada ay ka soo dhex muuqdaan xubnaha cusub ee xildhibaanada labada Aqal.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw Farmaajo iyo Fahad ayaa sheegay in ay xoog ku marsiin lahaayeen gudiyada doorashada in hawshooda ay bilaabaan oo liiska xildhibaanada Aqalka Sare ee NISA laga soo qoray looga dhawaaqo 4ta maamul ee kala ah Somaliland (oo lagu qabanayo Banadir), Hirshabale, Galmudug iyo Koofur Galbeed. Balse caqabad ugu wayn ee haysata ay tahay cabsida laga qabo in kooxda Al Shabaab ay ka soo dhex muuqdaan xildhibaanada labada Aqal.

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geelle oo kamid ahaa madax sare oo kamid ah beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa toos u sheegay in ay jirto cabsidan, sidoo kale na aysan haynin hay’ad lagu haleeyo baarista musharixiinta maadaama qofka baaraya ee ah Fahad Yasin qudhiisa looga shakisan yahay xiriir uu la leeyahay Al Shabaab.

Beesha caalamka ayaa soo jeedisay in baarista xubnaha musharixiinta xildhibaanada ay samayso dowladda Djibouti maadaama kooxda Al Shabaab ay dhex gashay sirdoonka Somalia oo aanan la aamini karin, balse waxaa socdo dadaalo dowladda federalka ay ku doonayso in is hor istaag ku samayso beesha caalamka iyadoo laga yaabo in maalmaha soo socdo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia soo saarto warqad in xiriirka loo jarayo dowladda Djibouti.

Halgan Media