Kadib POST uu soo dhigay wariye Abdiaziiz Golfyare bartiisa Facebook oo uu ku sheegay in maanta (shalay 1/12/2020) ay ku beegan tahay doorashada aqalka sare sida lagu asteeyay jadwalki doorasho ee la soo saaray.

Waxaa durbadiiba kala cararay xubnaha gudiga doorashada oo ku baraarugay in ay ku beegneed doorashadi aqalka sare, waxaana hadalka bilaabay Mahad Dheere oo sheegay in ay faafayso xogta fashilka gudiga hadii aanan wax laga qabanin.

Halgan Media waxaa u suura galay inay hesho nuqul kamid ah wada-hadalkii dhex maray gudiga, kadib markii ay ku baraarugeen Facebook Postigii uu soo dhigay Golfyare. Hoos ka aqriso sawiro uu nala wadaagay xubin ka tirsan gudiga:

Sida ka muuqata wada-hadalka waxay tilmaamaysaa:

1. In gudiga uusan ba la soconin habraac doorasho ee jadwalka.

2. In ay ka niyad jabsan yihiin in gudiga hawshiisa qabsado maadaama la wada diidan yahay.

3. In gudi uu dhistay madaxwayne Farmaajo & Fahad kaliyah yahay oo Cabdinur Maxamed gudoomiye u yahay maadaama ay isaga ka sugayaan hawlaha shaqo.

4. In shaqooyinka gudiga laga soo kar kariyo xafiisyo kale, kadibna ay iyaga ku dhawaaqaan kaliyah.

5. Sidaas oo kale xildhibaanada soo socdo liiskooda loo soo dhiibo doono ayna ku dhawaaqi doonaan kaliyah

Xogtaan waxay u baahan tahay gorfeeyayaal sar sare si wax badan looga ogaado hawlaha gudiga, maadaama aysan muuqanin shaqada ay lahaayeen inay qabsanayaan oo xafiis kale shaqadooda lagu soo qabto iyadoo diyaarsana ay warbaahinta ka hor aqriyaan kaliyah.

Wixii ku soo kordho kala soco Halgan Media.