Inta la xaqiijiyay 8 askari ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada itoobiya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada itoobiya ayaa la kulmay Miino dhulka lagu aasay xilli ay marayeen waddada ee gasha garoonka diyaaradaha ee degmada Bardheere.

Ugu yaraan 30,000 ciidamo Itoobiyan ayaa sii sharci darro ah ku joogo Soomaaliya Iyo xog ku heystaan degaano badan katirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse ururka Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qadaan ciidamada Shisheeya oo dulan ku joogo Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.