Dowlada Fransiiska ayaa sheegtay inay gabi ahaanba ciidamadeeda kala bixi doonaan dalka Ciraaq sida ay sheegtay wasaarada gaashaandhigga ee dalkaasi.

Ciidamadan ayaa Ciraaq laga saaray kadib markii dalalka deriska ay ka qarxeen cudurka Coronavirus oo ay ugu Daran tahay Dowladda Iiraan oo xaduud la wadaagto dalkaasi Ciraaq.

Waxaana laga cabsi qabaa inuu cudurka Coronavirus kusii faafo Ciraaq, kadibna ku dhaco ciidamada Fransiiska kusugan gudaha Ciraaq.

Dalka France laftigiisa waxa aad ugu faafay cudurka Coronavirus oo sababay inay kumanaan dhintaan, waxaana laga wel welsan yahay inuu sii bato.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.