Ciidammada Midowga Afrika ayaa saaka banneeyay dhismaha kuuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho oo saldhig milatari u ahayd tobankii sano ee ugu dambeysay

Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay dhismaha taas oo ciidammada Burundi oo daganaa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen dawladda Soomaaliya.

Kuuliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.