Wararka naga soo gaaraya gobolka Liibaan ayaa ku warramaya in shalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Dheeka Sufti ee gobolkaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Obaare oo hoos imaado degmada Dheeka Sufti ee gobolka Liibaan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay.

Siido kale Xaaladda ayaa saaka dagan, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii shalay lagu dagaalamay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.