Waxaa afartii maalmood ee laa soo dhaafay magalada wardheer bandow saranyahay xafadaha 1aad iyo 2aad.

Ciidamada milatariga itoobiya qabta ku sugan magalada Wardheer ayaa xidhay isu socdkii dadka iyo gaadhiidka labbada xafadood een kor ku soo sheegnay.

Ayado dadka shacabka ah ee magalada Wardheer ku nool ay ahayeen dad danyar ah oo ku nool shaqo raadsiga nolol maalmoodkooda ayaa ciidamada milatariga Itoobiya ay u adeegsadeen maamulka gobolka dollo ee wakiilka ka ah xisbiga EPP.

Ciidamada oo tagtaagan aqal aqal iyo wadooyinka xafadaha ayaa cabudhin adag ku haya dadka shacabka ah ayago u diiday shacabku inay ka soo xamaashan nolol maalmoodkooda halka oo ay handadaad jidhdil ku sameeyeen shacabka qaar.

Ayada oo ay joogaan lamaha aminiga ee deegaanka sida Liyuu Booliska iyo meleeshiyada lama garanayo maamulka gobolka Doolo sababtay u adeegsanayaan ciidamada milatariga oo dadka shacabka ah garanayn afkooda, luuqadooda kuna hadlaya luuqada gacankahadalka.

Hadaba xaalada gobolka Doolo oo ah mid qasan ayaan wali ahayn mid xal laga gaadhay ayado dadka shacabka cabudhintani ay soo xusuusisay tariikhdii mugdiga ahayd iyo xasuuq wadaradeedkii shacabka soo maray hada ka hor.

Lama garanayo bandawga iyo xaladan cakiran intay sii jiri doonto lkin wali wax akhbaar ah oo ka soo baxday maa jirto dhanka dawlada deegaanka oo ayadu masuul ka ah waxa ka socda gobolka dollo.

Shafi Dulane Halgan Media Wardheer