Mustafa Cagjar ayaa bartiisa facebooka ku qoray in xukuumadiisa ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay.

Wuxuu sheegay Mustafa Cagjar in ilaa hadda dhul iyo hanta badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan ay xogtooda oo dhameystiran gacanta ku hayaan, si dhaqsi ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay.

Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa waxa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.