Maalmahan waxa magaalada Jigjiga ee xaruunta gobolka Fafaan ka aloosmay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa kala qaybsanaan bulsho oo gobolka ka jirta.

Mustafe Cagjar waxa uu ku eedeeyay rabshadaha maleeyshiyaadka loo yaqaanay Heego oo taageeri jirtay mamuul kusheega Cabdi Ilay.

Mustafe Cagjar shir jaraa’id oo uu arrintan kaga hadlay Isniintii wuxuu bulshada uga digay qabyaaladda iyo in dad hab beeleed isu abaabulay sharciga gacantooda ku fushadaan waxaanu si kulul u eedeeyay maleeyshiyaadka Heego.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.