Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada ay kasocoto qaban qaabo wayn oo loogu diyaar garoobayo soodhawaynta madaxda Jabhada Ginbot 7 Arbanyoj.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa maanta oo Axad ah magaalada Addis Ababa soo gaadhi doona gudoomiyaha Jabhada Ginbot 7 Dr. Birhanu Nage iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo, kuwaas oo hada lagu guda jiro qabanqaabada soodhawayntooda.

Warka ayaa intaas kudaraya in gudoomiyaha Jabhada Dr. Birhanu Nage ay socdaalkiisa kuweheliyaan 250 xubnood oo isugu jira madaxdii iyo kaadirkii Jabhada Ginbot 7, waxaana lasheegayaa in waftigan uu yahay kii abid ugu badnaa ee Jabhada Katirsan ee gaadha magaalada Addis Ababa.

Waa markii ugu horaysay ee Gudoomiyaha Jabhadu uu gaadho Addis Ababa mudo toba iyo dhowr sano ah, wuxuuna magaalada Addis Ababa kabaxay sanadkii 2005, kadibb markay qulqulatooyin kadhaceen magaalada, wuxuuna intaas kadib kudadaalay xoogaynta Jabhadiisa.

Jabhada Ginbot 7 ayaa bishii lasoo dhaafay hogaanka cusub ee Itoobiya lasixiixatay heshiis, kaas oo ladoonayo in wax lagaga qabto xasilooni darada kajirtay Gobolka Axmaarada oo sanado badan ay dagaallo kasocdeen.

Ciidamada Jabhada Ginbot 7 ayaa dhawaan soo galay wadanka kadib markii isfahan dhinaca siyaasiyiinta ah uu dhacay, waxayna ciidanka Jabhadu hada mashquul kuyihiin abaabul iyo in ay amaanka Gobolkooda kashaqeeyaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.