Sida ay ku warantay warbaahinta dalka Iran Inta laxaqiijiyay 27 katirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa dhintay kadib markii qarax ismiidaamin ah lal beegsaday gaari ay saarnaayeen.

Ciidammadan ayaa marayay markii qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsanayay meel u dhaw xadka ay Iiraan la wadaago Pakistan.

Masuuliyada qaraxan waxaa sheegtay Jabhada lagu magacaabo Jeysh al Cadli oo weeraro ka gaysta gudaha dalka Iran.

Jabhada  Jeysh al Cadli ayaasheegto in ay u dagaallamayaan xuquuqda dadka sunniyiinta ah ee ku sugan gudaha dalka Iiraan.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya iyadoo shir ay ka qaybgalayaan inkabadan 60 wadan loogana hadlayo cunaqateenta Iran uu kasoconayo magaalada Warsaw ee caasimada u ah dalka Poland.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.