Ciidamada Liibiya ayaa helay meydadka 34 qof oo Itoobiyan kuwaas oo lagu dilay saxahara Liibiya meel aad ugu dhaw magalaada Sirte ee dalka Libya. Dadka meydadkooda la helay ayaa la aaminsan yahay in ay ahaayeen dadka tahriibayaal ay maleeyshiyaadka Daciish afdubeen sanadkii 2015 iyo ku toogteen duleedka magalaada Sirte.

Meydadka ayaa laga helay quburo udhow magalaada Sirte, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Libya Axmed Al-Mismari. Al-Mismari ayaa sheegay in ciidamadu weli raadinayaan in ay jiraan meyadad kale.

Halka laga helay meydadka dadka la dilay ayaa sidan oo kale horey looga helay muhaajiriin kale, kadib markii kuwa ka shaqeystaa tahriibtu ay halkaas ku daadiyeen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.