Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday in ay dhawan ay bilaabi doonto Duulimaadyo toos ah  oo ah Muqdisho iyo Addis Ababa, si sare loogu qaado Isku socodka dhanka duulimaadka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Barta Twitter-ka ee Shirkadda diyaaradaha ee Ethipian Airlines  ayaa lagu sheegay 2-da bisha November ayay si rasmi ah diyaarada u bilaabi doontaa duulimaad Muqdisho ah, waxaana Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines uu shaaciyay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Shirkadda Diyaaraddaha ayaa sheegay in todobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa siddda Isniin, Arbaco iyo Jimco. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqon doonta diyaaraddii 3aad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ka bilowda, waxaa horay u jiray diyaaradda Turkish Airlines iyo Diyaaradda Air Jabuuti, sidoo kale.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.