Wararka naga soo gaaraya xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ee magalada Baydhabo ayaa shegaya in la weeraray guri la qorsheynayay in lagu soo dhaweeyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed mudane Shariff Xassan Sheekh Aden, ahna murashax madaxweyne Federaalka ah oo malmaha soo socdo laqorsheynayay in uu magalada Baydhabo yimaado.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqijiyay Halgan Media in dulaanka lago soo qaaday guriga Madaxweynihii hore Shariff Xassan Sheekh Aden oo hoogaminyayay Isak Cali oo ah Wasirka Amniga ee Mamuulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada uu hoggaminayo Wasirka Amniga Isak Cali ayaa sii xun u jir dilay ilaalada guriga, islamarkana ka qaatay bistoolad iyo qori u watay, kadibna bililiqaystay guriga.

Madaxweynihii Hore Sharif Xassan Sheekh Aden ayaa kamid ah mushaxarinta xilka madaxweynenimada heer federal, waxaana loo badinayaa weerarka gor dhow lagu soo qaaday guriga Sharif Xassan ay ka dambeyeen Villa Somalia, si loo cabsi geliyo mucaaradka, madaama ay Dowlada Federalka dhowr mar hanjabad u direen mucaaradka.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.