Sida la ogyahay waxaa caalamka ku faafay cudurka halista badan oo loo yaqaano Coronavirus, wuxuuna cudurkan saamayn weyn ku yeeshay shacabka Somalida ku dhaqan dalalka Reer Galbeedka.

Asbucan aan ku jirno waxaa cudurka Coronavirus u geeriyooday ugu yaraan lix qof oo Somali ah, waxayna dadkan ku dhinteen dalalka ingriiska iyo Sweden

Isniintii nasoo dhaftay, markii ay Tariikhdu aheed 30ka biisha March waxaa magaalada London ku dhintay Allaha unaxariistee Ismaciil Maxamed Cabduwahab oo ah will dhalinyaro Soomaaliyeed oo cudurka Coronavirus uu dhintay

Waxaana 1da biisha April isla magaalada London ku geeriyooday Allaha unaxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Nuur Cadde.

Sawiirka Ra’iisal wasaarihii Nur Cadde

Nuur Cadde waxaa ra’iisal wasaare laga dhigay dhamaadkii 2007kii, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka oo xiligaa gumaadayay shacabka ku dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. 2009kii ayaa Nuur Cadde xilka ka tagay markii ay ciidamada Itoobiya wadanka ka baxeen.

Waxaa isla magaalada London ku geeriyoday laba qof oo kale oo Somali ah markii ay tariikhdu aheed 2da biisha April. Dadka dhintay waxay kala yihiin Bashir Gureey iyo Layla Xassan.

Sawirka Bashir Gureey

Sawirka Layla Xassan

Waxaana la sheegay in Bashir iyo Layla tadobaad yadii u dambeyay xanuunka Coronavirus hayaay lakiin Amarka ilahay, xanuunka ayaa ka adkatay.

Sidoo kale waxaa isla maalinta 2da biisha April cudurka Coronavirus ugu dhintay Mustafa Maxamed Maxamuud oo ku geeriyooday magalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden.

Sawirka Mustafa Maxamed

Geerida u dambeyay asbuucaan ayaa timid shalay markii uu dhintay Halgame Cabdulqadir Cali Boolay oo ah Halgamayaasha ugu weyn oo soo mara tariikhda ummada Soomaaliyeed, kana tirsanaa ururka gobanimo doonka ee SYL.

Sawirka Candulqaadir Cali Boolay

Sida ay xaqiijieen ehilkiisa, wuxuu Cabdulqadir Boolay shalay ku dhintay magaalada London, waxaana la sheegay in maanta lagu duugi doono magaalada London.

Shabakada Halgan Media