Guddoomiyaha degmada Wardhigleey Saynab Maxamed Xaabsey ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib markii jirdi loogu geystay shalay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ilaalada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar uu guddoomiyaha jirdilay, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada ilaalada ka haya xarunta iyo kuwii iyada la socday.

Askariga ayaa lagu soo waramayaa inuu guddoomiyaha qoriga liifkiisa ku garaacay, isla markaana uu jiro jabniin lafta oo dhinaca feeraha ah, waxaana la sheegayaa in guddoomiyaha oo xaalad miyir dabool ah ku jirta goobta laga qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo mas’uuliyiin katirsan gobolka ayaa xalay Isbitaalka ku booqday, waxaana la sheegayaa in xaalada guddoomiyaha ay haatan ka soo roonaaneyso .

Askarigii dhaawaca guddoomiyaha u geystay oo katirsan ilaalada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa haatan ku xiran xarunta demi baarista CID-da ee Muqdisho.

Saynab Xaabsey ayaa kamid ahayd mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii sanad kahor ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin uu ku jiro duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Halgan Media.