Waxaa Maanta Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa kulan xasaasi ah, oo ay uga doodayaan arrimaha doorashooyinka xili madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda ay dhisayaan gudi kasoo talo-bixiya nooca doorasho ee la qaban karo sandkan.

Madaxda Maamullada iyo Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ku heshiiyay in Baarlamaanka uu joojiyo doodaha ku saabsan sharciga doorashooyinka, illaa ay heshiis ka gaarayaan, laakiin arintaasi ayaa u muuqata inuu ka gacan-seyray gudoonka Gollaha Shacabka oo sheegay in meel aan ahayn Baarlamaanka go’aan looga gaari karin doorashada dalka.

Wararka ayaa sheegay in Mursal iyo Muudey ay dagaal siyaasadeed kula jiraan Maamul Goboleedyada, maadaama howshii uu qaban lahaa Gollaha Shacabka ee go’aan ka gaarista sharciyada la xiriira doorashooyinka laga wareegay, oo gudi loo magacaabayo hadda.

Soomaaliya ayaa wajahaysa kala qeybnaan siyaasadeed iyo khilaafyo xili wadanka kala-guur uu galay, oo hubanti la’aanna ka jirto qabsoomidda doorashadii afarii sanaba mar dhici jirtay.

Farmaajo oo waqtigiisa sii dhamaanayo ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay arrimaha taagan, isagoo danta qaran kahor mariyay midiisa gaarka ah, waxaana uu doonayaa mudo korarsi iyadoo dastuurka taasi u ogoleyn.

Halgan Media.