Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa fadhigii maanta kaga dhawaaqay in xukuumadda kheyre fashilantay, sidaas awgeedna kalsoonidii lagala laabteen.

Baarlamaanka oo maanta kulan aan caadi aheyn kulahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa waxuu ku soo dhamaaday buuq iyo fowdo ay sameeyeen qaar katirsan Xildhibaanadii soo xaadiray oo u badnaa taageerayaasha Farmaajo.

Mursal ayaa sheegay in 170 Xildhibaan ay u codeeyeen Mooshinka xilka looga qaadey Kheyre, halka 8 kale ay diidaan. Arintaan ayaa la sheegayaa in ay salka ku heyso kala aragti duwaanashaaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee doorashadda.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, oo kulanka kadib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Mooshinka lagu riday Xukuumadda uu katirsan yahay uu yahay mid aan sharci ahayn.

Halgan Media.