Hal qof ayaa ku dhintaay kadib markii gaari ay la socdeen uu ku rog-maday gudaha magalaada Wardheer ee gobolka Dollo, sida ay idaacadda Halgan Media usheegeen Goobjoogayaal.

Dadka dhaawacmay oo loola cararay Isbitaal si xaaladooda caafimaad wax looga qabto ayaa la tilmaamay inay ahaayeen dad shacab ah.

Laamaha amaanka ayaa soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen, iyaga oo ka qayb-qaatay gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay, kuwaasi oo xaaladoodu ay soo roonaaneyso.

Inta badan shilalka ka dhaca magaalada Wardheer iyo guud ahaanba gobolka Dollo waxaa sabab looga dhigaa jidadka oo aan hagaag-saneen iyo waliba wadayaasha gaadiidka oo si xad-dhaaf ah ukaxeeya.