Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku ganacsata gudaha wadanka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in dilkii u dambeeyey saacadihii la soo dhaafay loo geystay, Cabdi Xussen Jimcaale oo ku sugnaa magaalada Cape Town ee dalkaasi

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay marxuumka ku dileen goobtiisa ganacsi, kadibna ay baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goor dambe meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah oo baaritaano kooban sameeyey.

Muddooyinka la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah dadka Somalida ku dhaqan Koonfur Afrika.