Ciidamada Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka qeybtooda ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa Saaka xabsiga dhigay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Codka Hiiraan.

Wariyaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Cabdishakuur Maxamed Xasan. Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay wariyaha xireen,islaamarkaana waxa ay sheegeen in ay ku waddaan baaritaano.

Qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa Risaala u sheegay in wariyaha Ciidamada ay ku heystaan war uu baahiyay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.