Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Saraakiil ciidan maanta lagula eegtay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah uu la socday Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Shabellaha Hoose laga magacaboo Ibrahim Biyamaalow iyo ciidamado kale ka tirsan kuwa dowladda federalka.

Ugu yaraan labo askari la socday Taliyaha ciidamada booliska ayaa ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Halgan Media.