Waxaa fahfaahin dheeraad ah laga helayaa rasaas galabta laga maqlay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo kamid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo, kuna yaalla aagga cagaaran ee magaaladda Muqdisho.
Xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegay qof kamid ah maxaabiista ayaa qoriga ka xoogey askari ilaalada katirsan, wuxuuna kadib toogtay askartii kale ee gudaha ku sugnayd, waxaana jira khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka ayaa isku dayaya inay qabtaan Ninka hubeysan ee rasaasta ridaya, iyadoo wararka ay sheegayaan in maxaabiis kale oo hub helay ku biireen dagaalka.
Afhayeenka u qabilsan wasaarada warfaafinta, Ismacil Mukhtar Cumar ayaa bartiisa Twitter ku daabacay in illaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab-nimo ayaa lagu dilay dagaalka ka dhex qarxay Xabsiga Dhexe.
Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarkan uu ka socdo qaybta xabsiga dhexe ay uga xiranyihiin maxaabiista ku xukuman xabsi daa’inka.
Arintan ayaa u muuqataa weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay si qarsoodi ah uga dhex abaabuleen xabsiga dhexe.
Xabsiga Dhexe waxaa dhowr jeer oo hore ka baxsadey maxaabiis Al Shabaab katirsan, iyadoo arintaasi loo sababaynayo inay jiraan saraakiil la shaqeeya Argagxiisada, oo arrimaha u fududeeyo.
Wixii ku soo kordho kala soco Halgan Media.