Xarakada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Shisheeyaha kasoo jeedo dalka Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona ay halkaasi ka dhasheen khasaaro xooggan oo soo gaaray ciidamadii Kenyaanka ahaa ee la weeraray.

Goobjooge ku sugan Degmada Afmadow ayaa Halgan Media u sheegay in Dadka ku nool degaanka ay Cabsi Xoogan soo food saartay kadib markii lagu Dul dagaalamay.

Ciidamada Shisheeyaha kasoo jeedo dalka Kenya iyo kuwa mamuulka Jubbaland ay Saaka Baaritaano ka wadaan Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mana jirto wali wax hadal ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo ku aadan dagaalka Xalay ka dhacay Degmada Afmadow.

Halgan Media