Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogaadeniya gaar ahaan dagmada Tuliguuleed ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan shacabka Somaliyeed ku dhaqaan degmada Tuliguuleed iyo tuuloyinka udhow.

Waxa socday gumaad xoogan oo ka dhan ah shacabka somaliyeed ee xaduudka udheexeyo Ogadenia iyo dhulka Oromada dagan, waxaana dabada ka riixaysa ururka OPDO oo gacaanta kuhaayo ismaamulka Oromada iyo xukuumada gumaysiga Itoobiya.

Maanta galaabta ay maleeyshiyaadka Oromada weerar kuso qadeen tuuloyinka kala ah Feedhcaad, Sheekhmadow, Qubiidlay iyo Sheek’Marsiyaad oo udhow degmada Tuliguuleed. Shacabka Somalida oo hubaysan ayaa iska ceeliyay maleeyshiyaadka Oromada oo marwalba garab kahelo ismaamulka Oromada iyo xukuumada federalka ee gumaysiga Itoobiya.

Dulaanka ay maleeyshiyaadka Oromada kusoo qadeen shacabka Somalida waay ku fashilmeen kadib markii ay Oromada kujabeen dagaalka. Ugu yaraan waxa la dhilay 14 ruux katirsan maleeyshiyaadka Oromada iyo kadib markii la dilay hubkood ayaa laga gurtaay.

Dhanka Somalida dagaal waxa ku dhintay sedax qof iyo shan kale ayaa dhawaac gadhaay. Halgan Media waxaay heshaay qar kamid dadka dagaalka lagu waxyelaay iyo waxa kamid ah.

Labada qof kamid sedaxda Somalida lagu dilay dagaalka.

  • Maxamed Suge Cumar 
  • Ibrahim Ahmed

Shacabka Somalida ku dhawaacmay dagaalka

  • Ahmed Nasir 
  • Abadir Maxamed
  • Jamaal (aanan magaciis sedaxad helin)
  •  Maxamed Farah
  • Muhidiin Ahmed

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.