Cumar Finish, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin doorasho qof iyo cod ah in gobolka Banaadir ay ka dhacdo.

Cumar Finish ayaa intaas ku daray in taas badalkeeda ay kasoo horjeedaan doorashooyinkii dadbanaa ee 2016 lagu soo doortay dowladda hadda dalka ka arrimisa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay u diyaaraan tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay siiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska dalka.

“Doorashada dadban dadka qaar waxay ku doonayaan inay xilalka sii hayaan, taasoo u wanaagsaneyn dadka Muqdisho, waxaana idin cadeynayaa in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maamul magaalada ugu Amaanka Xun xiligaan Gayiga Soomaaliya iyadoona xalay kaliya ka dhacday 10 weerar oo kala gadisan wqxaase Cajiib sida uu maamulkiisa ku qaban karo Doorasho Qof iyo Cod ah

Khilaaf weyn ayaa ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta marka laga gaaro bilowga sanadka 2021-ka oo uu dhamaan doono muddo xileedka madaxda hadda talada heysa.

Halgan Media.