Ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM Iyo Maleeyshiyaadka Danab ayaa saakay fuliyay howlgal wadajir ah, oo ay kula wareegeen gacanta ku heynta degmada Kuntuwaarey, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo mudo sanado ah Ururka hubeysan ee Al Shabaab ka talinaysay.
Qaar kamida dadka degaanka, oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee laga saarey degmada ay u baxsadeen dhanka Sablaale, iyadoo Ciidanka huwanta ah ay wali howlgallo kasii wadaan degaanada banaanka ka ah Kuntuwaarey.
Kooxda Al-Shabaab ayaa u ahayd degmada xarun Maxkamad shacabka u doontaan iyo saldhig ay ku tababarto dagaalyahanadda, waxaana la wareegisteeda ku noqonaysaa dharbaax ku dhacday awoodeedii gobolka xudunta u ah duqeymaha Mareykanka.
Dhowr jeer ayay Ciidanka dowladda qabsadeen degaanka Kuntuwaarey, haddana dib uga soo baxay iyagoo u ogolaaday Al Shabaab inay dib ula wareegto, waxaana la ogeyn inay sii joogi doonaan iyo inay dib u gurasho sameyn doonaan.
Halgan Media.